Guddiga ACMD: Qaadku waa fasaxan yahay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Janaayo, 2013, 18:45 GMT 21:45 SGA

Media Player

Guddiga dowladda Britain ay u xil-saartay inay ka soo talo-bixiyaan istimaalka Qaadka ee dalkan Britain ayaa soo jeediyay in aan laga mamnuucin Khaadka dalkan UK.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Qaadka dalkan la keeno waxaa inta badan cuna Soomaali, Yemeni iyo Itoobiyaan

Guddiga maandooriyeyaasha sida khaldan loo isticmaalo ee dowladda Britain ay u xil-saartay inay ka soo talo-bixiyaan istimaalka Qaadka ee dalkan Britain ayaa soo jeediyay in aan laga mamnuucin Jaadka dalkan UK.

Guddiga ayaa baaritaan uu ku sameeyay waxyeellada Qaadka ee saameynta jireed ee shaqsiga iyo bulshada waxa uu ku oggaaday in aan wax caddeyn ah loo heyn in dhibaato caafimaad darro ah isticmaalkiisu leeyahay.

Guddiga oo uu hogaamiyo Professor Les Iverson ayaa sheegay.

In baaritaan balaaran oo la sameeyay lagu heli waayay cadeeymo ku filan in Jaadku uu caafimaad ahaan ama bulsho waxyeello geysto, si looga joojiyo dalkan UK.

Guddigu waxa uu dhageystay walaac bulshada ka yimid iyo talooyin ay soo jeediyeen masuuliyiinta deegaanada iyo booliiska oo muddo dheer iyagu arrintan ku mashquulsanaa.

Qof Qaad cunaya

Warbixintan oo ay maalgelisay wasaaradda arrimaha gudaha, waxay ka dambeysay welwel laga muujiyay isticmaalka Qaadka.

Waxaana ay soo jeedisay afar talo:

Maqaamka sharciga ah ee Qaadka ma ahan in la beddelo. Mana ahan in la hoos keeno xeerka si xun u isticmaalka daroogada.

Wasaaradda caafimaadka ee dalkan waa inay Qaadka ku darto waxyaabaha deegaanka looga baahan yahay.

Madaxda degmooyinka iyo booliiska iyo hey'adaha ka hortagga dembiyada waa inay la macaamilaan bulshooyinka iyagoo adeegsanaya tasiilaadka la heli karo si wax looga qabto wixii welwel ah ee laga qabo isticmaalka Qaadka inay keeneyso dhibaato bulsho.

Qaadka waa in lagu daro waxyaabaha laga bogsan karo, isla markaana hey'adaha sharci fulinta ee addeegyada caafimaadka dadweynaha, kuwa caddaaladda iyo booliiska iyo ka hortagga dambiyada ay sameeyaan aasaaska wixii cilmi baaris mustaqbalka la sameynayo.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.