Midowga Yurub oo ku heshiiyay Miisaaniyad

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 Febraayo, 2013, 19:48 GMT 22:48 SGA
Hogaamiyayaasha Midowga Yurub

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa mudo dheer ka wada hadlaayay dhimista misaaniyada oo dalal badan ay ka soo horjeedeen.

Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay miisaaniyada 2014- 2020 kadib wadahadalo qaatay mudo dheer.

Miisaaniyada cusub ayaa ah 960 bilyan oo Euros. Waa markii ugu horaysay ee miisaaniyada Modowga Yurub la yareeyo.

RaiisalWasaaraha Britain David Cameron, oo u ololaynaayay in la jaro misaaniyada ayaa sheegay in heshiiska uu yahay mid u fiican Britain.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, oo diidanaa in la jaro miisaaniyada ayaa sheegay in ay tahay mid dheelitiran.

Miisaniyada lagu heshiiyay ayaa 3.3% ka yar misaaniyadii toddobadii sano ee ee ugu danbeeyay.

Waddamada sida Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa doonayay inaan la jarin misaaniyada Midowga Yurub, halka waddamo kale ay doonayeen in la dhimo miisaaniyada.

Miisaaniyada ayaa waxaa ansixin doona Baarlamaanka Yurub.

Masuuliyada

Madaxweynaha Golaha Yurub Herman Van Rompuy, ayaa sheegay in heshiiskan uu dhimayo miisaaniyada 34 bilyan oo Euro oo saamaynaysa lacagaha la bixinayo hadda iyo kuwa mustaqbalka.

Wuxuu sheegay, in hogaamiyayaasha Midowga Yurub ay ka soo baxeen masuuliyadooda oo hadana looga baahan yahay in Baarlamaanka Yurub uu masuuliyadiisa ka soo baxo oo uu ansixiyo miisaaniyada.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.