Soomaaliya oo heshiis la gashay Turkiga

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 December, 2012, 19:53 GMT 22:53 SGA

Media Player

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshiis dhinaca ammaanka ah ay la saxiixatay dowladda Turkiga. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay dhiggiisa Turkiga, Madaxweyne Cabdalla Gul, iyo Raiisul Wasaare Recep Tayyip Erdogon.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Cabdalla Gul

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshiis dhinaca ammaanka ah ay la saxiixatay dowladda Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii ugu dambeeyay booqasho ku joogay dalka Turkiga ayaa heshiiska la galay dowladda Turkiga sida uu BBC u sheegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Maxamed Mursal Sheekh.

Safiirku waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahiyo waxa uu ku saabsan yahay heshiiska oo ku tilmaamay mid militeri.

Safiirku waxa uu sheegay in Madaxweynuhu shalay la kulmay dhigiisa dalka Turkiga, Madaxweyne Cabdalla Gul, maantana uu la kulmay Raiisul Wasaaraha Recep Tayyip Erdogon.

Danjire Maxamed Mursal, Waxa uu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkigu waxa uu ka mid yahay dalalka taageerada samafal u fidiyay Soomaaliya markii abaaruhu ka dhaceen dalka sanadkii hore.

Dowladda Turkigu waxa sidoo kale ay ka mid tahay dalalka deeqaha waxbarasho ee ugu ballaaran u fidiya ardeyda Soomaaliyeed.

Ilaa 1600 ardey Soomaaliyeed ah ayaa ku sugan oo wax ka barta dalka Turkiga, sida uu sheegay Safiirka.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.