Dood: khilaafka siyaasadeed ee Puntland

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 22 December, 2012, 19:04 GMT 22:04 SGA

Media Player

Maamul-goboleedka Puntland waxaa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xoog leh iyadoo ay soo dhowdahay waqtigii ay xafiiska joogi lahayd xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaam Sheekh Maxamed.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Dadka Puntland oo ka mudaharaadayo in dowladdu ay waqtiga kororsato

Maamul-goboleedka Puntland waxaa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xoog leh iyadoo ay soo dhowdahay waqtigii ay xafiiska joogi lahayd xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaam Sheekh Maxamed.

Maamulka haatan dhisan waxaa uu doonayaa inuu muddo sanad ah ku kordhisto waqtigiisa oo ku eg siddeedda bisha Jannaayo ee soo socota.

Hase ahaatee waxaa jira siyaasiyiin ka soo horjeeda waqti kororsiga xukuumadda una taagan madaxtinimada soo socota. Waxaa haatan magaalada Garowe ka socda shirar ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka jira, loona go'aamin lahaa mustaqbalka maamulka Puntland.

Dood arrintan ku saabsan ayaan u qabannay dhinacyada ay khuseyso arrintani.

Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa doodda u qeybinaya labada dhinac ee dowladda Puntland iyo mucaaradka, waxaana ay kala yihiin:

Maxamuud Ceydiid Dirir oo ah Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, Wasiiru dowlaha madaxtooyada ee Maamul Wanaagga.

Cabdullaahi Saciid Samatar oo ah wasiirkii hore ee ammaanka Puntland, laakiin hadda ah musharax Puntland.

Iyo Cabdiraxaan Sheekh Maxamed Gablax oo ah murrashax u tartamaya xilka madaxtinimada Puntland.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.