Yusuf Xasan: Waan tartamayaa doorashada

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 December, 2012, 13:49 GMT 16:49 SGA

Media Player

Yusuf Xasan oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya oo dhawaan ku dhaawacmay qaraxii Eastleigh ayaa ka warramay xaaladdiisa caafimaad, waxaana uu sheegay inuu tartami doono doorashooyinka soo socda ee ka dhici doona dalka Kenya sanadka 2013.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Yusuf Xasan waxa dhawaan lagu dhaawacay qarax ka dhacay Eastleigh

Isbitaal ku yaala, magaalada Johannsburg ee dalka Koonfur Afrika, waxaa ku jira oo lagu daweynayaa, Yusuf Hassan oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya oo laga soo doorto deggaanka Kamukunji ee xaafadda Eastleigh ay ka tirsan tahay oo mudoo ilaa Laba toddobaad laga joogo, si-xun ugu dhaawacmay, Qarax ka dhacay Xaafadda Eastleigh, meel Masaajid ah oo uu markaas ka soo baxayey.

Haddaba Mudanaha ayaa dhaawac waxa uu ka soo gaaray labada lugood iyo gacan, waxaana wareysi gaar ah oo Laanta Af-Soomaaliga ee BBC uu siiyay uu ku sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Waxa uu ka warramay sida ay wax u dheceen iyo weliba gargaarka caafimaad ee uu helay.

Xildhibaan Yusuf Xasan waxa uu sheegay in uu doonayo inuu tartamo doorashooyinka soo socda ee ka dhici doona dalka Kenya horraanta sanadka 2013.

Yusuf Hassan, ayaa isaga oo haddaba jooga Isbitaalka lagu daweynayo, waxa uu telefonka ugu warramay Cabdullaahi Xaaji oo ka tirsan BBC.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.