Qoys ka codsanaya madaxda Somaliland jawaabo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 Janaayo, 2013, 18:57 GMT 21:57 SGA

Media Player

Qoyska nin ku dhintay saldhiga booliiska ee Burco ayaa ka dalbanaya masuuliyiinta Somaliland ay jawaab ka siiyaan sababtii uu ugu dhintay xabsiga. Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, oo 43 jir ahaa waxa uu muddo dheer degenaa London.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Cabdullahi Maxamed Ibrahim waxa uu dhintay isaga oo ku jira saldhigga booliiska Burco.

Qoyska nin ku dhintay saldhiga booliiska ee magaalada Burco ayaa ka dalbanaya masuuliyiinta Somaliland ay jawaab ka siiyaan sababtii uu ugu dhintay xabsiga.

Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, oo 43 jir ahaa waxa uu muddo dheer degenaa London, wuxuuna dib ugu noqday dalkii. Dhawaan ayaa isagoo baabuur wata waxaa la sheegay inuu jiiray oo uu dilay nin ka tirsan booliiska magaalada Burco.

Cabdullaahi Mohamed Ibraahim meydkiisii waxaa laga helay qolkii uu ku xirnaa, saacado ka hor intii aan maxkamd la hor geyn.

Qoyska Cabdullaahi Maxamed Ibraahim waxa ay sheegayaan inuu u dhintay dhaawacyo jirdil lagu sameeyay.

Masuuliyiinta Somaliland oo BBC ay la xiriirtay waa ay ka gaabsadeen inay war ka bixiyaan arrintiisa, laakiin waxay sheegeen in baaritaan uu socdo.

Haddaba waxaa Istuudiyaha BBC noogu timid Khadra Cabdullaahi Maxamed oo uu dhalay marxuumka.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo wareystay ayaa weydiiyay sida ay ku oggaadeen sidii uu u dhintay aabeheed?

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.