Fawsiya Yuusuf Xaaji oo u warrantay BBC

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 Janaayo, 2013, 01:56 GMT 04:56 SGA

Media Player

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo booqasho ku joogtay dalka Tayaaniga ayaa sheegtay in ay madaxda dowladda Talyaaniga kala hadashay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhib u dhiska dalka Soomaaliya.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan waa wasiirka arrimaha dibedda ahna Raiisul Wasaare ku xigeen

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan oo booqasho ku joogtay dalka Tayaaniga ayaa sheegtay in ay madaxda dowladda Talyaaniga kala hadashay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhib u dhiska dalka Soomaaliya.

Fawsiya oo wareysi gaar ah siisay BBC ayaa waxa ay la kulantay wasiirka arrimaha dibedda ee Talyaaniga, oo wada hadaladii dhexmaray ay ku tilmaantay inay ahaayeen kuwo is faham leh.

Waxa ay sheegtay in dowladda Talyaanigu ay dhawaan safaaradeedi dib uga furan doonto Soomaaliya.

Fawsiya ayaa socdaal ku maraysay dalal ka tirsan qaaradda Yurub, oo ay u sharaxaysay siyaasadda dowladda cusub ee Soomaaliya.

Toddobaadkii hore waxa magaaladatan London ay kula kulantay Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain, William Hague.

Weriyaha BBC ee magaalada Rome Adan Sabriye ayay uga warrantay wadahadalada ay la yeelatay dowladda Talyaaniga iyo kulamo ay la qaadatay jaaliyadda Soomaalida ee Talyaaniga.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.