Dr Tedros: nabadda Soomaaliya waa tan Itoobiya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 Janaayo, 2013, 19:15 GMT 22:15 SGA

Media Player

Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Dr Tedros Adhanom, oo booqanaya magaaladatan London ayaa BBC u sheegay in Itoobiya ay u baahan tahay nabad isla markaana nabad Soomaaliya ka dhacdaa ay tahay nabad Itoobiya.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya Tedros Adhanom oo u warramaya weriyaha BBC Ruth Nesoba

Dalka Itoobiya, waxaa laga joogaa hadda dhawr bilood markii uu xafiiska la wareegay Raiisul Wasaaraha cusub Hailemariam, kaddib geeridii Raiisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi bishii August 2012.

Wasiirkii hore ee caafimaadka, Dr Tedros Adhanom ayaa isna bishii November waxa uu qaatay jagadiisa cusub ee wasiirka arrimaha dibedda.

Isaga oo booqanaya dalkan Britain ayaa waxa uu u warramay BBC.

Waxa uu ka hadlay xaaladda nabadgelyada Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uu yiri "Itoobiya nabad ayay u baahan tahay. Nabad Soomaaliya ka dhacdana, Nabad ayay u tahay Itoobiya."

Waxa uu yiri "Dhibaatada gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaan u heysanaa inay tahay mid gudaha Itoobiya ah iyo mid dibedda ah labadaba, waxaan isku dayaynaa inaan wax ka qabann.
Horeyba waxaan heshiis ula gaarnay jabhadda ugu weyn ururka ONLF in aan wada hadalno si dhibaatada xal nabadgelyo loogu dhameeyo."

Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya waxa uu sheegay in nabadda Soomaaliya waxa ay ka qabaneyso dhibaatada gudaha Itoobiya ay tahay wax yar, Laakiin arrinta muhiimadda koowaad leh waa siyaasadda gudaha oo ay tahay in arrintan lagu xaliyo.

Mar wax laga weydiiyay muslimiinta Itoobiya, waxa uu sheegay in aanu fileyn in la ilaaway, "dowladdeena iyo dastuurkeena diin kuma dhisna" ayuu yiri.

Waxa uu sheegay inay qaddariyaan kala duwanaanshaha dadka iyo diimaha.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.