Madaxweyne Xasan oo la kulmay diblomaasiyiin

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Janaayo, 2013, 16:56 GMT 19:56 SGA

Media Player

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay dibolmaasiyiinta caalamiga ah, kaasi oo looga hadlayay sidii dowladda looga taageeri lahaa hey'adaha maaliyadda.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu la kulmay diblomaasiyiin caalami ah

Kulanka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu la qaatay dibolmaasiyiointa caalamiga ah ayaa waxa uu dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn waxa uu faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulankooda manta iyo waxyaabihii ay ugu wada hadleen waxana uu sheegay in ay la xariirtay sidii dowladda Soomaaliya hey’adaheeda maaliyada loo caawin lahaa iyo sidii guud ahaan dhaqaale loogu taageeri lahaa dowladda federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay isku waaqfaqeen deeq bixiyayaasha hab lagu dhawrayo hantida dowladda gaar ahaan kaalamada caalamiga ah ee ay ka filanyaan deeq bixiyayaasha,waxana uu rajo ka muujiyay in hanaankaasi uu gacan ka siin doono sidii ay u soo kabsan lahaayeen hey’adaha maaliyadda ee dowladda sida Banhiga Dhexe, Wasaaradda Maaliyada iyo Hantidhowrka Guud.

Waxa kale madaxweyaha Soomaaliya uu sheegay lacagaha cusub ee ay filanayaan oo aan la sheegin caddadeeda in waxyaabaha ugu horeeya ee ay kaga qabanayaan.ay ku jiraan waxbarashda caafimaadka biyaha iyo horumarinta adeegyada bulshada sida wadooyinka IWM

Sanadkii la soo dhaafay ee 2012ka ayaa warbxino caalami ah oo la soo saaray waxa Soomaaliya liiska hore ay kaga jirtay wadamada ay halakeeyeen masuqmaasuqa ,waxana muddooyinkii u dabeeyey dowladda cusub ay waday ololayaal ay sheegeen in ay kula dagaalmayaan wax loogu yeeray masuqmaasuqa hey’adaha dowladda .

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.