Warbixinta Machadka Daraasaadka Heritage

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 Febraayo, 2013, 02:43 GMT 05:43 SGA

Media Player

Machadka Heritage ee daraasaadka oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta soo saaraya warbixin uu ugu magacdaray dib u celin lagu deg degay, oo uu kaga hadlayo go'aankii dowladda Kenya ee ku saabsanaa dadka qaxootiga Soomaalida ee deggan Kenya.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Machadka Heritage ee daraasaadka oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta soo saaraya warbixin uu ugu magacdaray dib u celin lagu deg degay, oo uu kaga hadlayo go'aankii dowladda Kenya ee ku saabsanaa dadka qaxootiga Soomaalida ee deggan dalka Kenya.

Machadka ayaa sheegay in daraasadda uu sameeyay uu ku ogaaday in tiro yar oo ah 6% dadka qaxootiga inay diyaar u yihiin inay laabtaan, laakiin intooda badan ay ka walaacsan yihiin xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo weliba halka ay dagi doonaan.

Waxa ay ka digeen in arrintan ay keeni karto dhibaatooyin dhawr ah oo ay ka mid tahay ammaan darro iyo dhaqaalaha oo ay saameyso.

Machadku waxa uu sheegay in arrinta qaxootiga loo baahan yahay in laga fiirsado oo aan lagu degdegin isla markaana ay iska kaashadaan dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay hey'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ay gacan ka siiso sidii loo habbeyn lahaa barnaamijka dadka qaxootiga ah.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.