Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Harraad iyo hoy la'aan kaddib weerarkii Westgate

Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii dablay hubaysan ay weerareen xarun laga dukaamaysto oo ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Weerarkaas waxa uu ka dhacay xarunta Westgate, waxaana mas'uuliyaddiisa sheegtay xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Weerarka kaddib, dowladda Kenya waxa ay amar ku bixisay in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool caasimadda iyo magaalooyinka kale in ay xeryaha qAxootiga ku laabtaan, waxaana amarkaasi xigay hawlgal ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen xaafadaha ay Soomaalida ka degto Nairobi gaar ahaanna Islii, halkaasi oo dad badan laga raafay lana geeyay xeryaha qaxootiga iyo Soomaaliya.

Haddaba Bashkas Jug-soo-dhacay ayaa hadda ku sugan Dhadhaab, waxa uuna halkaasi kula kulmay Kaafiyo Maxamed oo ka mid ah Soomaalidii ka qaxday Islii oo haatan ku nool Dhadhaab.