Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sheekh Umal oo ka hadlay buug ku saabsan riddada

Waxaa weli muran uu ka taagan yahay bug loogu magac daray "Xadka riddada maxaa ka run ah" oo uu qoray qoraa Soomaali ah oo la yiraahdo, Cabdisaciid Cabdi Ismaciil.

Buuggan, ayaa ka hadlaya arrimo khuseeya diinta Islaamka, sida xadka riddada, Islaamka iyo siyaasadda, xaqa dumarka iyo waxyaabo kale.

Baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan ayaa si weyn looga hadal hayaa buugan.

Haddaba, dadka buuggan ka hadlay oo raddiyay waxaa ka mid ah Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada waa weyn ee Soomaalida.

BBCda ayuuna u warramay.