Ganacsi
Wararka ugu waaweyn
Jeff Bezos waa maalqabeenka saddexaad ee caalamka

Ninka asaasay shirkadda Amazon, Jeff Bezos, ayaa noqday qofka saddexaad ee dunida ugu taajirsan, sida ay qortay jariiradda Forbes.
- 29 Luulyo 2016
Verizon oo iibsanaysa shirkadda Yahoo
Shirkadda Verizon ee dhanka isgaarsiinta ee dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa iibsanaysa shirkadda Yahoo.
- 25 Luulyo 2016
Aftida Britain oo saamaysay dhaqaalaha adduunka
Codkii Britain ay u qaaday in ay isaga baxdo Midawga Yurub ayaa sare u qaaday halista haysata dhaqaalaha caalamka, madaxda dhaqaalaha ayaa sidaas ka sheegay shirka G20 ee Shiinaha ka socda.
- 24 Luulyo 2016
Dhaqaalaha dalka UK oo hoos u dhacay
Tilmaame muhiim u ah dhaqaalaha Britain ayaa lagu ogaaday in uu jiro hoos u dhac dhaqaale tan iyo markii dadka dalkaasi ay u codeeyeen in ay ka baxayaan midowga Yurub.
- 22 Luulyo 2016
Mashiinada VCR ee filimaanta oo la joojinayo
Samaynta mashiinada kaseetyada video-ga lagu daawado (videocassette recorder, VCR) ayaa la joojinayaa dalka Japan dhamaadka bishan sida uu sheegay wargayska Nikkei.
- 21 Luulyo 2016
Jaamacadaha waawayn oo bixin doona koorsooyin internetka
Jaamacadaha ugu waawayn ayaa bixin doona koorsooyin internetka shanta sano ee soo socota sida ay sheegtay madaxa Coursera.
- 14 Luulyo 2016
Bangiga Adduunka oo maalgalinaya tamarta qoraxda
Bangiga Adduunka ayaa saxiixay heshiis lagu maalgalinayo tamarta qoraxda ee waddamada soo koraya.
- 30 Juunyo 2016
UK:Saamiyada shirkado oo hoos u dhacay
Saamiyada shirkadaha Barclays iyo Easyjet ayaa hoos u dhacay in ka badan 10% kaddib markii UK ay u codaysay in ay ka baxdo Midowga Yurub.
- 27 Juunyo 2016
Lacagta Britain oo qiimaheedu sare u kacay
Qiimaha lacagta Britain ee Pound-ka ayaa sare u kacday, kaddib markii ay soo baxday in ol'olaha lagu doonaya in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub uu hadda xoogeystay.
- 20 Juunyo 2016
Bangigga Salaam oo abaalmarin la siiyay
Bankiga Salaam ee xaruntiisu tahay dalka Jibouti ayaa lagu abaalmariyey sida uu Afrikada Bari uga hirgaliyey habka dhaqaale ee waafaqsan shareecada een lahayn dul-saarka.
- 20 Juunyo 2016