IFJ oo Muqdisho ku tababartay weriyayaal

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Novermber, 2012, 05:21 GMT 08:21 SGA

Media Player

Ururka caalamiga ah saxaafadda adduunka IFJ loo soo gaabiyo, oo ay ku bahoobeen ururada saxaafadda adduunka ayaa tababar dhinaca badbaadada weriyayaasha la xiriiray ka fulisay Muqdisho.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku sii badanayay dilka dadka warbaahinta ka shaqeeya, iyadoo ay qatar gashay nolosha saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaa walwal uu ka abuurmay badbaadada weriyayaasha ka howlgala gaar ahaan Muqdisho.

Hadaba, Ururka caalamiga ah saxaafadda adduunka IFJ loo soo gaabiyo, oo ay ku bahoobeen ururada saxaafadda adduunka ayaa tababar halkaas ugu soo gababaysa dhowr weriye.

Tabarkan ayaa ujeedasiiu ahayd sidii wariye yaasha ka shaqeeya muqdisho oo ah meelaha ugu dilka iyo ugaarsiga badan saxaafada loo siin lahaa talooyin ku aadan xaga amaanka iyo ka hool galka dhul colaadi ka jirto sida soomaaliya oo kale

Hadaba Sadibou Marong waa sarkaal ka tirsan ururka caalamiga ah ee saxiyiinta ee IFJ loo soo gaabiyo, oo ka mid ahaa tababarayaasha.

Maxamed Maxamuud Dhoore, ayuu uga waramay isagoo Muqdisho jooga ujeedda tababarka:

"Tababarku waa kii ugu horeeyay abid ee ku saabsan badbaadada weriyayaasha oo Muqdisho loogu qabto weriyayaasha ururka saxaafadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Cumar Faaruuq, waxaana soo qabanqaabiyay ururka saxafiyiinta caalamiga ee IFJ oo uu taageerayo midowga Europe. Waxaana ujeedka guud uu yahay in tiro xadidan oo weriyayaal ah in lagu tababaro sidii ay u adeegsan lahaayeen farsamooyinka muhiimka ah ee ay isaga ilaalin karaan qatarta mararka qaar marka ay dhexgalaan aag xiisad ka aloosan tahay." Sadibou Marong.

Wuxuu kaloo ka hadlay waxa ka doonayaa saxafiyiinta ay tababarka ugu soo xireen magaalada Muqdisho:

"waxaanu xoogga saarnay ilaa shan iyo toban weriye,. Tababarkan kadib mid kasta oo ka mid ah weriyayaasha aan tababarnay mid kasta oo ka mid ah waa in uu noqdaa tababare tababara weriyayaasha kale ee dhinaca badbaada saxafiyiinta ." ayuu yiri Sadibou Marong.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.