Morsi oo awooddiisa ballaariyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Novermber, 2012, 23:58 GMT 02:58 SGA

Madaxweynaha Masar Maxamed Morsi waxa uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalka

Madaxweynaha dalka Masar, Maxamed Morsi ayaa soo saaray sharci cusub oo awooddiisa sii ballaarinaya.

Hadal telefishinka laga sii daayay ayaa Afhayeenka Madaxweynaha, Yaasir Cali waxa uu sheegay in go'aannada Madaxweynaha aan racfaan laga qaadan karin isla markaana hey'ad wax ka beddeli kartaa aanay jirin.

Waxaa ku jira xitaa hey'adahaasi garsoorka. Waxaana loo sameeyay si loo difaaco kacdoonkii Masar.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhamaan kuwii lagu waayay dilka dadkii mudaharaadayay intii lagu guda jiray kacdoonka, in dib mar kale maxkamnmad loo saari doono.

Shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen Maxamed ElBaradai iyo xubno kale oo mucaaradka ah ayaa waxay ku tilmaameen go'aan Madaxweynaha inuu yahay afganbi looga soo horjeedo sharciyadda, waxaana ay ugu baaqeen dadka reer Masar inay jidadka isugu soo baxaan oo ay ka mudaharaadaan.

Madaxweynaha Masar ayaa dareemaya xoogaa awood ah inuu helay marka la eego doorkiisa dhexdhexaadinta dagaalka Qasa, laakiin sida uu ku warramayo weriyaha BBC ee Qaahira waxa suurtagal ah in tani ay keento loolan cusub oo xagga siyaasadda ee Masar gudaheeda.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.