Amiir William iyo Kate oo filaya ilmo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 December, 2012, 01:34 GMT 04:34 SGA

Catherine iyo William waxa ay is guursadeen bishii April ee sanadkii hore 2011

Waxaa lagu dhawaaqay in xaaska Amiir William, oo ah ninka labaad ee leh dhaxalka Boqortooyada UK, Catherine ay uur leedahay oo ay ilmo fileyso.

Hadal ka soo baxay qasriga reer Boqorka waddankan UK ayaa lagu sheegay in uurka Kate ama Chatherine uu yahay wax ka yar 12 toddobaad.

Xubnaha qoyska reer Boqor iyo qoyska Middleton ayaa la sheegay inay ku faraxsan yihiin warkan ku saabsan uurka Catherine.

Sida uu dhigayo sharciga cusub ee hadda la soo jeediyay ilmahaasi waxa uu noqonayaa qofka saddexaad ee dhaxalka Boqortooyada, kadib Amiir Charles iyo Amiir William, xitaa haddii ay gabar tahay.

Catherine iyo Amiir William oo labaduba 30 jir ayaa waxa ay isku guursadeen Westminister Abbey bishii April ee sanadkii 2011.

Catherine ayaa aqalka reer boqorku sheegeen in hadda ay ku jirto isbitaalka King Edward VII oo xanuun yar uu hayo, halkaasi oo ay ku sii jiri doonto dhawrka maalmood ee soo socda.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.