Militeriga Masar oo ka digay khilaafka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 8 December, 2012, 15:58 GMT 18:58 SGA

Banaanbaxyada looga soo horjeedo Madaxweyne Morsi ayaa weli ka socda Qaahira

Militeriga Masar ayaa uga digay cawaaqib xun haddii dhinacyada siyaasadda ee is haya ee dalka ay ku guul dareystaan inay khilaafkooda ku xaliyaan wada hadal.

Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa sheegay in militeriga aanu oggolaan doonin in Masar lagu jiido wax uu ugu yeeray god madow.

Warar militeriga laga helay mar danbe, ayaa sheegay in tani micnaheedu ahayn inay soo faragelinayaan si ay awoodda ula wareegaan.

Banaanbaxyada ayaa weli ka sii socda magaalada Qaahira, kuwaasi oo Madaxweynaha Masar Morsi ugu baaqaya inuu ka laabto go'aanka uu awoodda badan isku siiyay iyo inuu joojiyo aftida loo qaadayo dastuurka qabyada ah ee la isku khilaafsan yahay.

Mucaaradka ayaa waxa ay qaaddacayaan wada hadal ka dhaca xarunta madaxtooyada, oo ay ka qeybgalayaan joggaamiyeyaal kooxaha siyaasadeed qaarkood iyo xubno magac ku leh bulshada.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.