Ciidamada dowladda oo Jowhar qabsaday

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 December, 2012, 11:18 GMT 14:18 SGA

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ay magaalada ku sugan yihiin ciidmaada dowladda oo ay wehliyaan kuwa midowga Africa ee AMISOM.

Dagaal la'aan ayay ciidamada qabsadeen magaalada.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe, Cabdi Jiinoow Calasoow, ayaa uga warama Cabdiraxmaan Koronto, waxaana uu sheegay in ciidamada ay hadda wadaan baaritaanno gudaha magaalada.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku diray in aysan ciidamada ku xadgudbi doonin dadwaynaha, isla markaana tallaaabo laga qaadi doono ciddii lagu arko qaladaad ka dhan ah bini'aadaminimada

Wuxuu intaas ku daray in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah al-Shabab.

kooxda al-Shabab wax war ah oo dagaalka ku aadan kama soo bixin.

Kooxda al-Shabab ayaa dhowr sano gacanta ku haysay magaalada Jowhar oo ah magaalo isku xirta caasimadda Muqdisho iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.