Aasiya oo ka awood badan doonta US iyo Yurub

  • 11 Disembar 2012
Image caption Shiinaha ayaa waxa uu labaatan sano gudaheed noqon doonaa dalka ugu dhaqaalaha badan caalamka

Hey'adaha sirdoonka Mareykanka ayaa saadaaliyay in labaatan sano hadda kadib qaaradda Aasiya ay yeelan doontaa awood ka badan tan Mareykanka iyo Yurub oo la isku daray.

Warbixinta oo loogu magacdaray "Jihada Caalamka u socdo 2030", oo la sii daayay ka hor xilliga labaad ee xafiiska ee Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa waxa ay bixineysaa qiimeyn istaraatiiji oo la xiriirta horumarka dhinacyada dhaqaalaha iyo ammaanka.

Waxaa kale oo ay ka hadleysaa saameynta kororka dadka, oo ay ku jiraan sida ay gabaaabsi u noqon doonaan cuntada iyo biyaha.

Warbixintu waxa ay sheegtay inay yaraan doonaan weerarada argagaxisada marka ciidanka laga soo saaro Afghanistan, laakiin waxa ay ka digtay weerarro halis ah oo dhinaca internetka ah.