Obama oo aqoonsaday mucaaradka Suuriya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 December, 2012, 01:40 GMT 04:40 SGA

Obama waxa uu sheegay in mucaaradka Suuriya ay matalaan shacabka Suuriya

Dowladda Mareykanka ayaa u aqoonsatay mucaaradka Suuriya inay yihiin wakiilka rasmiga ah ee dadka reer Suuriya.

Wareysi uu siiyay telefishin Mareykan ah ayaa Madaxweyne Barack Obama waxa uu sheegay in xulafada mucaaradka Suuriya au hadda yihiin mid loo wada dhan yahay.

Laakiin maamulka Washington waxa ay hadda ka joogi doonaan in ay hub siiyaan mucaaradka xilligan.

Bil ka hor, ayaa kooxaha mucaaradka Suuriya waxa ay sameeyeen isbahaysi siyaasadeed oo mideysan si ay awoodda uga tuuraan Madaxweyne Bashar al-Assad.

Isbahaysiga ayaa waxa aqoonsaday Midowga Yuru, Britain, France, Turkiga iyo dhawr dal oo kale oo Carab ah oo xulafo la ah Mareykanka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.