Kenya oo amar ka soo saartay qaxootiga

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 December, 2012, 20:27 GMT 23:27 SGA

Media Player

Dowladda Kenya ayaa soo saartay amar cusub oo ay ugu sheegayso qaxootiga iyo dadka magangalya doonka ah inay ku noqdaan xeryaha.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Rabshado

Rabshado ka dhacay xaafada Eastleigh.

Dowladda Kenya ayaa soo saartay amar cusub oo ay ugu sheegayso qaxootiga iyo dadka magangalya doonka ah ee kunool magaalooyinka in ay ku noqdaan xeryaha qaxootiga.

Go'aankan ayaa waxa la sheegay in uu ka dhashay xaaladda ammaan darida ah ee ka jirta dalka Kenya oo tan bilawgii sanndkan ay ka dhacayeen weeraro qaraxyo ah.

Dadka uu go'aankan saameyn doono waxa ka mid ah kumanaanka kun ee Soomalida qaxooti ahaanta ugu noolaa magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya oo ay ka mid tahay caasimada Nairobi.

Dowladda ayaa ku amartay in dadkaan ay ku noqdaan xeryaha qaxootiaga ee Dhadhabaab oo ah xeryaha ugu weyn ee uu qaxooti ku noolyahay dunida.

Soomalida qaar ayaa waxay maalgashi xooggan ku sameeyeen xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Halkan ka dhagayso warbixin ammuurtan ku saabsan oo uu weriyaha BBC-da Mohammud Ali arrintaas ku eegayo.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.