Aaska gabar la kufsaday oo la qabtay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 December, 2012, 11:11 GMT 14:11 SGA
Xasuus  loo sameeyay gabadha Hindida.

Xasuus looga sameeyay gabadha la xoogay ciida Badda.

Mudaaharaadyo

Mudaaharaadyo lagu doonayo in la adkeeyo maanka dumarka reer Hindiya ayaa ka socda wadanka oo dhan.

Sida caadada ay tahay dadka haysta diinta Hinduga waxaa la gubay maydkii gabar 23 jir ah oo lagu kufsaday magaalada Delhi dalka Hindiya.

Gabadha oo ay lix nin ku xoogeen bas socda ayaa laga tuuray baska markii la xoogay kadib. Arrintan ayaa ka xanaajisay dad badan waddanka oo dhan, waxaana socda mudaaharaadyo lagu muujinayo amaan la'aanta haysata dumarka dalka Hindiya.

Qaar ka mid ah jidadka Delhi ayaa xiran iyo dhowr meelaha laga raaco tareenka.

Ra'iisalwasaaraha Monmahan Singh iyo hogaamiyaha xisbiga talada haya Sonia Gandhi ayaa la kulmay reerka gabadha , waxayna u balanqaadeen in isbadal la samaynayo si loo sugo ammaanka dumarka.

lixda nin ee lagu eedeynayo dilkeeda, hadii danbiga lagu helo waxaa horyaala xukun dil ah.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.