Obama oo soo dhaweeyay heshiiska

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 Janaayo, 2013, 13:09 GMT 16:09 SGA

Madaxweyne Obama ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen aqalka kongareeska

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama, ayaa sheegay in shaqo dheeraad ah ay tahay in laga qabto sidii loo xoojin lahaa dhaqaalaha Mareykanka, kadib heshiiskii xalay xilli danbe laga gaaray.

Madaxweynuhu waxa uu soo dhaweeyay talaabada uu qaaday kongareeska dalka Mareykanka, isaga oo u mahadceliyay labada dhinac ee xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga.

Laakiin waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la garowsado in hadda sharcigan yahay hal tallaabo oo ka mid ah dadaalka guud ee lagu doonayo on lagu badbaadiya dhaqaalaha Mareykanka.

Waxa uu sheegay inay suurtagal ahayn in deynta Mareykanka la yareeyo iyada oo qarashaadka keliya la jarayo.

Obama, waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay tannaasulaad, oo uu ku raacsanahay xubnaha Dimquraadiga iyo Jamhuuriga in dadka oo da'dooda sii weyneynaaneyso iyo qarashka daryeelka caafimaadka oo sii kordhayay ay tahay midda ugu weyn ee keeneysa in dalka uu galo dhibaatada deynta xagga dhaqaalaha ah.

Waxa uu sheegay inuu aaminsanahay in la helay qaabab dib u habeyn lagu sameyn karo barnaamijka iyada oo aan dhaawac loo geysan kuwa isku haleynayay inay ku badbaadaan.

Obama waxa uu sheegay in ay arrintan muujisay in Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ay ka wada shaqeyn karaan mustaqbalka dhaqaalaha dalka sidii wax looga qaban lahaa, oo ay suurtagal noqotay in aan diiradda saarin oo keliya siyaasadda laakiin waxa dalka u wanaagsan.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.