Ethiopia oo Soomaali xirtay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Janaayo, 2013, 19:17 GMT 22:17 SGA

Hay'adda sirdoonka dalka Ethiopia, ayaa sheegtay in ay xirtay shan iyo toban qof oo looga shakisan yahay qorshaynta in ay weeraro ka fuliyaan gobolka Soomaalida Ethiopia iyo gobolka Harar.

Hay'adda ma shaacinin dhalashada dadka ay tuhunsan tahay balse waxay sheegtay in ay soo tababartay kooxda maleeshiyada, al-Shabaab, oo ka howlgasha dalka Soomaaliya.

Todobaadkan horaantiisii ayaa maxkamad ay xukuntay toban qof oo lagu heay in ay weeraro qorshaynayeen, iyadoo gacan ka helaya al-Shabaab.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.