Taliye mintid ah ayaa lagu dilay Pakistan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Janaayo, 2013, 15:40 GMT 18:40 SGA

Mullah Nazir waxa uu dagaal kula jiray ciidanka Mareykanka ee ku sugan Afganistan

Wararka ka imanaya waqooyiga galbeed ee dalka Paksitan ayaa sheegaya in taliye kooxaha mintidiinta Pakistan, Mullah Nazir, in lagu dilay weerar dayaaradaha aanay cidina wadin ee Mareykanka.

Saraakiil Pakistan ayaa BBC u sheegay in gantaallo lagu riday baabuurka Mullah Nazir koonfurta Waziristan oo u dhaw soohdinta Afghanistan halkaasi oo isaga lagu dilay iyo shan kale.

Mullah Nazir ayaa lagu dhaawacay dukheyn dhacday bishii November, oo si weyn loo aaminsan yahay inay ahayd markii ay ay is qabteen taliyayaasha koox kale oo ay is hayeen.

Weriye BBC ka tirsan ayaa sheegaya inuu ahaa xubin muhiim ah oo bixiya dagaalyahaniinta weerara ciidamada Mareykanku hoggaaminayo ee ku sigan Afganistan.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.