Dagaal ka dhacay Puntland

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 Janaayo, 2013, 12:35 GMT 15:35 SGA

Puntland waxa ay sheegtay inay dagaal kula jirto al-Shabaab

Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ciidankoodu ay xalay dileen saddex ka tirsan al-Shabaab, shan kalena ay dhaawaceen kaddib markii weerar lagu soo qaaday.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo BBC u warramay ayaa sheegay in ciidankooda weerar lagu soo qaaday meel 40KM u jirta magaalada Boosaaso.

Waxa uu sheegay in hal askari dhinacooda uu uga dhintay dagaalkaasi.

Ciidamada Puntland ayaa intii muddo ah dagaal kula jiray wax ay ugu yeeraan argagaxiso buuraha Galgala.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.