Hindiya oo diyaarinaysa maxkamad Kufsi

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Janaayo, 2013, 16:13 GMT 19:13 SGA
Dad

Dad ka banaanbaxaya kufsiga dumarka.

Maxkamada magaalo madaxda Hindiya ee Delhi ayaa diyaarinaysa inay xukun ku qaado shan nin oo lagu eedeynayo kufsi iyo dil gabar labaatan iyo saddex jir ah.

Nimanka la eedaynayo ayaa la filayaa in loo gudbiyo maxkamad qaas ah oo si dhaqso ah xukunka u qaadaysa.

Dhinaca kale boliiska ayaa baaraya waraysi uu siiyay telefishinka nin la socday gabadha la xoogay oo la dhaawacay markii la xoogayayay gabadha. Boliiska ayaa sheegay in waraysiga uu keeni karo in la sheego magaca gabadha oo aan ilaa hadda la sheegin sababtoo ah sharciga Hindiya oo ogolaanaya in aan la sheegin qofka danbiga laga galay.

Ninka la socday gabadha labaatan iyo saddex jirka ee la xoogay ka dibna dhimatay ayaa waraysiga uu siiyay telefishinka ku sheegay sidii ay wax u dhaceen.

Waraysiga uu bixiyay ninka la socday gabadha la xoogay, ayaa wuxuu ka waramay sida isaga iyo gabdha la kufsaday ay u raaceen baska oo u ekaa mid shaqaynaya laakiin ay nimanka ku sugayeen inay gabar ku kufsadaan. Wuxuu sheegay inay nimanka dabin u dhigeen oo ay qorsheeyeen weerarka.

Markii albaabka baska la xiray ee uu dhaqaaqay ayay gabadha ku bilaabeen inay faraxumeeyaan taasoo keentay dagaal. Waxay ninka iyo gabadha ku garaaceen bir. Ninka ayaa suuxay, kadibna waxay nimanka bilaabeen inay gabarta ku dhex kufsadaan baska oo gaariga ku dhex wareegayay mudo laba saacadood ah.

Ninka iyo gabadha oo qaawan ayay baska ka tuureen markii nimanka ay gabadha xoogeen. Waxay nimanka isku dayeen inay gaariga dulmariyaan ninka iyo gabadha la kufsaday.

Wuxuu sheegay ninka gabadha la socday inay isku dayeen inay istaajiyaan baabuurta jidka maraysa laakiin aysan u istaagin.

Dhibaatada gabadha la kufsaday iyo ninka intaa kuma ekeen, wuxuu sheegay markii boliiska uu soo gaaray in waqtiga ay ku dhumiyeen boliiska muran ah xerada boliiska ee la gaynayo oo aysan gabadha oo aad dhaawac culus u gaaray aysan caawin oo dhiig baxaysay.

Dowladda Hindiya ayaa dhaleeceen badan loo soo jeediyay inaysan waxba ka qabanayn ammaanka dumarka Hindiya. Hindiya ayaa kufsiga uu aad ugu badan yahay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.