Mareykanka oo ku gacanseyray Asad

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 Janaayo, 2013, 04:40 GMT 07:40 SGA

Victoria Nuland waa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa ku gacansayrtay qorshaha nabadda ee uu ku hadlay Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Asad oo ay ku tilmaantay isku day kale oo awoodda uu isku sii dhajinayo.

Haweeney afhayeen ah oo u hadashay wasaaradda Arrimaha dibedda, Victoria Nuland, ayaa sheegtay in maamulka Madaxweyne Asad inuu lumiyay dhamaan sharci ahaanshihii isla markaana uu xilka ka dego.

Isaga oo la hadlayay taageerayaal magaalada Dimishiq ayaa Madaxweynuhu waxa uu soo bandhigay qorshe lagu soo afjarayo dagaalka.

Waxay ahayd khudbadii ugu horreysay ee uu dadka la hadlo tan iyo bishii June isaga oo sheegay in qorshahanuu ku jiro shir dib u heshiisiin qaran oo qoraya dastuur cusub.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.