Heerka saboolnimada caalamka oo yaraatay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 8 Janaayo, 2013, 04:37 GMT 07:37 SGA

Caruur Soomaaliyeed oo saf ugu jirta cunto

Hey'adda caalamiga ah ee Save the Children, ayaa sheegtay in wada-shaqeyn caalami ah oo sii korortay ay keentay natiijo wax ku ool ah oo ku saabsan la dagaallanka saboolnimada.

Warbixin cusub oo ay soo saartay Hey'adda ayaa lagu qirtay in weli ay jirto wado dheer oo ay tahay in loo maro si wax looga qabto, laakiin suurtagal tahay in la qiyaaso in saboolnimada ba'an ee dunida in la baabi'in karo.

Save the Children waxa ay sheegtay in istaraatiijiyad cusub lagu xaqiijin karo in ilmo aanay u dhiman cudurro laga hortagi karo, in ilmo kasta uu iskuul helo iyo in dhammaan ilmaha ay daryeel helaan si aanay wax ugu noqon dagaallada.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.