QM oo ka digtay xaaladda koonfurta Sudan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 Janaayo, 2013, 02:58 GMT 05:58 SGA

Gobolka Kordofan ee dhibaatadu ka taagan tahay

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaaladda sii xumaaneysa ee bini'aadanimo ee koonfurta Sudan, halkaasi oo dowladdu ay kula dagaallamayso jabhadda mucaaradka gobollada Kordofan iyo Blue Nile.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dad badan ay dhimanayaan, tobanaan kun oo qofna ay ku nool yihiin caleemaha geedaha iyo jirridooda.

Waxa ay ku qiyaastay in toddobo boqol oo kun oo qof ay saameysay dhibaatada dagaalka.

Sarkaal sare oo Qaraada Midoobay ka tirsan -- John Ging -- ayaa sheegay in dowladda Sudan oo siyaasad ahaan ka go'neyn iyo mucaaradka ay tahay inay eedda dhibaatada qaataan.

Mr Ging waxa uu ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaraada Midoobay inay gacan ka geystaan.

Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobau ayaa ku raacay in masuuliyadda dhibaatadaasi leeyihiin labada dhinac, laakiin Khartuum ay qaadan doonto masuuliyadda ugu weyn.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.