QM oo tallaabo ka qaadeysa Kuuriyada W

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Febraayo, 2013, 23:25 GMT 02:25 SGA

Kim Jong Un waa hoggaamiyaha cusub ee Kuuriyada Waqooyi

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa balanqaaday in uu tallaabo ka qaadi doono Kuuriyada Waqooyi tijaabadeeda saddexaad ee hubka nukliyeerka.

Goluhu waxa uu ugu yeeray arrintaasi inay tahay khatar ah oo ku wajahan ammaanka iyo nabadda caalamiga ee adduunka.

Kadib kulan deg deg ah, Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay si dhaqso ah u bilaabi doonto sidii loo joojin lahaa damaca nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Mareykanka ayaa ku tilmaamay tijaabada hubka ee Kuuriyada Waqooyi mid daan-daansi ah, halka Shiinaha oo ah xulafada ugu weyn ee Kuuriyada Waqooyi uu sheegay in aanu ku qanacsaneyn.

Laakiin Weriye BBC oo jooga Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in Kuuriyada Waqooyi ay u muuqato mid u aragta barnaamijkeeda hubka ee nukliyeerka hanti istaraatiiji ah oo aanay joojin doonin, oo aanay wax ka beddeli doonin godoomin iyo cadaadis.

Kooxaha caalamiga ee kor kala socda ayaa sheegay in qaraxa oo ah kii ugu horreeyay tan iyo markii uu Kim Jong-un awoodda qabsaday uu ahaa mid laba jeer ka weyn kii ka horreeyay ee sanadkii 2009.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.