Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax oo la aasay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Febraayo, 2013, 12:57 GMT 15:57 SGA
Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax

Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax waxaa maanta lagu aasay magaalada Garoowe.

Ilaahey ha u naxariistee Sheekh Cadulqaadir Nuur Faarax oo shalay gelinkii dambe lagu dilay magaalada Garowe ayaa galabta halkaas lagu aasay.

Sheekha oo si wayn looga yaqaannay dhulka Somaalida iyo dunida muslimka wuxuu sannadkii 1940 ku dhashay duleedka degmada Eyl ee gobolka Nugaal, wuxuna heerka tacliin ka billaabay magaalada Muqdisho wuxuna ka mid ahaa ardaydii ugu horraysay ee ka baxday mac-hadka Tadamun Al-islaami oo ku yaallay magalada Muqdisho sannadkii 1968, muddo kadibna wuxuu waxbarasho jaamacadeed u tegay dalka Sacuudi Arabiya wuxuuna ka qalin jebiyay kulliyadda Al-dacwa iyo usuulu-diin ee jaamacadda islaamiga ee Madiina sannadkii 1975.

Isla sannadkaas ayuu Somaaliya ku soo laabtay, laakin markii uu muddo yar kadib ayaa xabsiga la dhigay halkaas oo uu ku jiray laba sano iyo bar waxaana lagu eedeeyay inuu yahay wadaad aan u hoggaansanayn aragtidii hanti-wadaagga ee dawladii kacaanka ee xilligaas.

Wuxuu ka mid ahaa dadkii asaasay isla markaasna salka u dhigay Jaamacadda Bariga Africa ee Bosaaso taas oo uu isla markaasna ka ahaa macallin ka dhiga maaddada shareecada.

Noloshiisa oo dhan Sheekh Cabdulqaadir wuxuu ku dhammaystay faafhinta diinta Islaamka iyo goobaha cilmiga waxana ka aflaxay oo aqoontiisa ka faa'idaystay dad aad u fara badan oo maanta ku sugan daafaha caalamka. Sheekha waxaa lagu yiqiinnay oo uu caan ku ahaa inuu si wayn uga soo horjeeday aragtida diineed ee ururka Al-shabaab taas oo uusan la gabban jirin goor kasta iyo goob kasta si aan qarsoodi ahayn.

Aaska sheekha ee maanta waxaa ka qaybgalay wafdiyo ka kala socda dawladda federalka Somaliya, masuuliyiinta sare ee Puntland iyo culimaa'udiin ka kala yimi magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa, Bosaso, Laascanod iyo meelo kale. Allah ha u naraxiistee Sh. Cabdulqaadir wuxuu ifka kaga tegay sagaal carruur ah oo isugu jira toddoba wiil iyo laba gabdhood.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.