Golaha Ammaanka oo u digay Cali C Saalax

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Febraayo, 2013, 10:39 GMT 13:39 SGA
Madaxweynaha Yemen

Madaxweynaha Yemen Abd Rabbo Mansour Hadi.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa u digay Madaxweynihii hore ee Yamen iyo ku xigeenkiisii in cunaqabatayn lagu soo rogi doono kadib markii lagu eedeeyay inay horistaagayaan isbadalka siyaasada ee wadanka.

Golaha ayaa magacaabay Cali cabdalla Saalax iyo Cali Salim Al Beidh, oo sheegay in ay cunaqabayn ku soo rogayaan hadii aysan joojin faragalinta ay ku hayaan siyaasada wadanka. Qoraan uu soo saaray ayuu ku sheegay inay ka walaacsan yihiin warar sheegaya maraakiib hub wada inay yimaadeen Yamen taasoo ammaanka Yamen qatar ku ah.

Caddaadis ka yimid Golaha Ammaanka ayaa suurto galiyay in dowladii hore ay xilka ku wareejiso dowlad ku meel gaar ah, taasoo joojisay dagaal sojeeye inuu Yamen ka dhaco.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.